Israa’iil ayaa duqeymo isdaba joog ah oo dhimasho iyo dhaawac sababay ku qaaday bartamaha iyo koonfurta Qaza kadib markii ay ciidamadeedu ku eedeeyeen ururka Xamaas in ay beegsadeen askartooda. Xamaas ayaa sheegtay in sheegashada Israa’iil ay tahay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Hay'adda difaaca madaniga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israa'iil ay ku qaaday Qaza oo ay ku jiraan iskuul ay gabaad ka dhigtaan dad rayid ah oo dagaal ku barakacay.





0 Comments