Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Israa'iil ayaa sheegtay in weerarka koonfurta Lubnaan lagu bartilmaameedsaday xubin ay ku eedeeyeen Xisbullah

Ciidamada Israel ayaa xaqiijiyay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Jebchit ee koonfurta Lubnaan, iyagoo ku eedeeyay inay dileen xubin ka tirsan ciidamada Radwan ee Hezbollah.

 War qoraal ah oo uu soo saaray, ciidanku waxa uu ku sheegay in Zayn al-Abidin Hussein Fatuuni uu ahaa taliye ka tirsan qaybta antitank ee guutada waxana uu dhawaan ku hawlanaa dadaalada lagu doonayo in "dib loogu yagleelo kaabayaasha argagixisada ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan", isaga oo aan bixin caddayn.

 "Hawl-galkiisu waxa ay ka dhigan yihiin xad-gudub ku ah isfahamka u dhexeeya Israa'iil iyo Lubnaan," ayuu ciidanku ku daray.

 Toddobaadkii hore, koox khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa qaylo dhaan ka soo saaray duqeymaha cirka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay ka geysanayaan Lubnaan, iyaga oo sheegay in ay sababeen khasaare isa soo taraya oo soo gaadhay dad rayid ah iyo burbur baahsan in kasta oo ay xabbad joojin la galeen Xisbullah oo billowday bishii November.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement