Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha waddanka Uganda ayaa sheegay inuu noqon doono hogaamiyaha badeli doona aabihii.
Bartiisa Twitterka ayuu habeenkii Arbacada waxa uu soo dhigay farriin uu ku qeexayo rabitaankiisa iyo sida ay uga go’antahay xilka dalkaas ugu sarreeya inuu aabihii kala wareego.
“Waxaan aabahay kaddib noqon doonaa madaxweynaha Uganda,”ayuu yiri.
Waxa uu sii raaciyay “Dadka runta neceb waa ay niyadjabi doonaan,”
Waxaan agaasimi doonaa dalkayaga anigoo ka dhigi doona dal wayn sida uu Ilaahay ugu tagalayba!!!.”
Dhammaadka Twitter boggan, 1
Wiilkan oo laf ahaantiisa lataliye sare u ah madaxweyne Museveni mas’uulna ka ahn Howlgallada Gaarka ah ayaanan sheegin xilliga uu aabihii xilka bannayn doono.
Madaxweyne Museveni ayaanan muujin wax tilmaama ah oo tibaaxaya inuu xilka isaga tegayo iyadoo xilka madaxtinimada Uganda uu hayay tan iyo 1986 markaas oo uu xilka la wareegay.
Wiilkan uu dhalay madaxweynaha Uganda ayaa farriimaha uu soo dhigo bartiisa Twitterka waxa ay hore u dhaliyeen doodo kulul.
Wiilka Museveni: Labo isbuuc nagu qaadan meyso inaan qabsanno Nairobi
Waa sax, kani waa ciwaanka runta ah ee wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda uu ku leeyahay barta Twitter-ka.
Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday.
Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.
Bartan Twitarka ah ayaa laxaqiijiyay iney tahay tan uu leeyahay wilka Madxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba.
Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sidoo kale bartiisa twitterka ku soo qoray in aanu dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga.
“Annaga waxaan aminsannahay Kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri general Muhoozi, isagoo u muuqday inuu arrin sir ah fashilayo.
Dadka qaar ayaa sheegaya in Janaraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha hadalhaynta dhaliya ee uu mararka qaar kusoo qoro bartiisa Twitter-ka, ayaa loo diyaarinaya inuu bedelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo ah madaxweynaha Uganda.
Shacabka Kenya ee arkay qoraalka Twitter-ka uu soo geliyay wiilka Museveni qaarkood ayaa sheegay in ay ku wareereen hadalka kasoo baxay Kainerugaba. Waxaa kale oo la isweydiinayaa in uu uu caafimaadkiisa taam yahay.
Laakiin generalalka ayaa mar kale sheegay in ciidankiisu ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya laba toddobaad gudahood.
Wiilka Museveni, Muhoozi Kainerugaba, oo si layaab leh uga hadlay duullaanka Ukraine
Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, ayaa horraantii bishii Oktoobar 2022, waxa uu si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana "dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine".
Waxa uu tusaale u soo qaatay xiisadii caalamka haraysay 1962 ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.
"Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?" ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.
Dhammaadka Twitter boggan, 2
Jenaraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyay inuu xilka kala wareego aabihii Museveni oo 77 jir ah, Uganda na hogaaminayay tan iyo sanadkii 1986.
47 jirkan oo hogaamin jiray ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u taageera duullaanka uu Ruushka ka wado Ukraine.
0 Comments