21 jirkan oo bishii January ay Arsenal si weyn u doonaysay, isaguna si cad uga dalbaday kooxdiisa inay iibiyaan si uu ugu biiro Gunners oo la dul-tagnayd £70 milyan oo Gini, ayaa waxa uu aqbalay inuu sii joogo kooxdiisa oo uu u saxeexo heshiis soconay illaa sannadka 2027.
Caicedo oo sidoo kale ay doonaysay Chelsea oo dhawr dalab oo ay ka gudbisay ay Brighton ka diidday, ayaan faahfaahin badan laga helin heshiiskiisa cusub, hase yeeshee waxa la fahamsan yahay in si weyn loogu kordhiyey mushaharka uu qaadanayo oo markii hore aad u yaraaa.
Tababare Roberto De Zerbi ayaa la rumaysan yahay in uu door weyn ka ciyaaray sidii uu Caicedo u beddeli lahaa go’aankiisii ahaa inuu iskaga tago Brighton, iyadoo Sabtidiina uu wacdaro ka dhigay ciyaartii West Ham United ay ku karbaasheen ee ay kooxdiisu ku timid kaalinta siddeedaad.
Arsenal iyo Chelsea aya la filayay inay midkood la saxeexan doonto Caicedo xagaaga waxaana uu ku jiray qorshaha suuqa ee labada kooxoodba, hase yeeshee hadda wuu soo xidhmay albaabkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, bishii January ayuu Caicedo ka tuugay mulkiilaha Brighton ee Tony Bloom in uu iibiyo, waxaanu sababta ku sheegay in uu yahay curadka 10 carruur ah oo ay walaalo yihiin oo isaga ka sugaya inuu noloshooda kafaalo-qaado.
0 Comments