Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Thiago Silva oo falcelin hadal hayn badan dhalisay ka bixiyay faalo lagu jeex jeexayay xafladii FIFA The Best.

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa falcelin hadal hayn badan dhalisay ka bixiyay faalo lagu jeex jeexayay xafladii FIFA The Best ee Isniintii qabsoontay.
Halka uu faalada ka dhiibtay Thiago ayaa ahayd sawir iyo qoraal uu soo dhigay daadihiye dhinaca ciyaaraha ah oo ay Brazil kasoo wada jeedaan kaas oo weeraryahanka Man City iyo xulka Argentina ee Julian Alvarez tusaale xun usoo qaatay.

Alvarez ayaa si layaab leh booska toddobaad ee kala sarreynta FIFA The Best ugu dhammaystay xilli uu kabtankiisa Argentina ee Lionel Messi hantay abaalmarinta booska koowaadna galay.

Julian Alvarez ayaa ka qiimayn sarreeyay xiddigaha kala ah Vinicis Jr, Kevin De Bruyne, Neymar, Robert Lewandowski iyo Mohamed Salah.

23 sano jirkaas ayaa 11 gool oo horyaalka Argentina ah River Plate ugu soo dhaliyay 17 kulan kahor inta uusan Man City xagaagii ku biirin, sidoo kale shan kulan ayuu Koobkii Aduunka ugu soo bilawday Argentina.

Qoraalka Instagram ee uu daadihiyaha ciyaaraha ree Brazil kaga hadlay FIFA ayuu ku yidhi “Midka toddobaad ee ugu fiican dunida xiddiga loogu coddeeyay markasta keydka ayuu ugu jiraa Man City”.

“Maaha mid la hubo oo ugu soo bilawda kulamada xulkiisa halka uu badi wakhtiga la qiimaynayo joogay River Plate, cajiib. Hadalkaygu ma cad yahay?”

Intaas kaddib Thiago ayaa faaladiisa soo dhiibtay isaga oo muujiyay sida uu ula yaabay wixii ka dhacay FIFA The Best wuxuuna yidhi “Waa kaftan”.

Messi ayaa 52 dhibcood ku qaaday abaalmarinta isagoo siddeed ka sarreeya xiddiga booska labaad ee Kylian Mbappe halka Karim Benzema 34 ku dhammaystay.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement