Safaaradda dowladda Ruushka ay ku leedahay wadanka ayaa madaxweyne William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ku amaantay inay si geesinnimo leh uga soo horjeesteen go’aan jimcihii hore ka soo baxay maxkamadda ugu sarreysa dalka.
Shalay ayay ahayd markii labadan mas’uul ay cadeeyeen in gudaha Kenya aan laga dhaqangelin karin nidaam lagu taageeraya dadka isku jinsiga ee wax iska daya.
Ruto iyo Gachagua ayaa xusay inay ixtiraam u hayaan waaxda cadaallada balse aynan garsoorayaasha ku raacsanayn in shakhsiyaadkan loo oggolaado inay sameystaan ururro u dooda xuquuqdooda.
Safaaradda xukuumadda Moscow ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in dhaqankan uu yahay mid ay riixayaan reer galbeedka.
Waxay safaaraddu madaxda kala duwan ee dalka ku boorrisay inay mowqifkooda ku adkaadaan oo ay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta mabaadi’ida soo jireenka ah ee kenyaanka.
0 Comments