Garsoore Tripsisa Wamae oo ka howlgasho maxkamadda sare ee dalka ayaa saaka soo saartay go’aan ah in mar kale la qabto doorashada xilka xildhibaanannimo ee deegaan baarlamaneedka Lagdera ee ismaamulka Garissa.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu u soo baxday inay khaladaad jireen xilligii codeynta ee sanadkii hore ee deegaankaasi.
Waxay maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaaday guushii mudanaha Lagdera Cabdiqaadir Xuseen Maxamad oo ka tirsan xisbiga ODM.
Hasa ahaate xaakinka ayaa xildhibaanka siisay muddo 14 cishe ah oo uu racfaan uga qaadan karo go’aanka maxkamadda.
Cabdiqaadir ayaa noqday mudanihii ugu horreeyay ee xilkiisa waaya.
Guddiga IEBC ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkii hore shaaciyay in musharraxii xisbiga ODM ee deegaan baarlamaneedka Lagdera ee ismaamulka Garissa uu doorashada ku guulaystay ka dib markii uu soo hooyay codad dhan 5,939.
Hasa ahaate waxaa natiijadaasi muran geliyay oo maxkamadda dacwad u gudbiyay Cabdiqani Zeituun oo matalayay UDA oo helay codad gaaraya 4,863.
Dacwadda oo muddo socotay ayaa ugu dambeyn saaka go’aan laga soo saaray.
Hasa ahaate xildhibaanka Lagdera Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadanaya go’aanka maxkamadda ka soo baxay ee lagu buriyay guushiisi.
0 Comments