Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Mareykanka oo markale ka hadlay dagaalka Laascaanood

Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay colaada ka aloosan Magaalada Laascaanood halkaasi oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya dadka degaanka iyo Ciidanka maamulka Somaliland.

 

Adam Smith oo ka mid ah Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay xaaladda murugsan ee Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool

Xildhibaan Smith ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhimashada, dhawaaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee laga soo warrinayo Magaalada Laascaanood.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka taagan Magalaada Laascaanood, isagoona ka dalbaday labada dhinac in ay u hoggaansamaan heshiiska xabbad-joojinta, ayna ka fogaadaan ficillada keeni kara in halkaasi uu ka dhaco dagaal horleh.

Xildhibaanka ayaa ku booriyay waaxda arrimaha dibadda iyo madaxda Maraykanka inay sii wadaan la shaqaynta beesha caalamka si loo joojiyo dagaalka Laascaaood, islamarkaana wax weliba loogu dhammeeyo wada-hadal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku baaqay in labada dhinac ay oggolaadaan in gurmad bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka naftooda kala cararay colaada Magaalada Laascaanood.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi in uu isku howlo sidii uu u qaban lahaa doorasho, isagoona xusay in dib u dhaca ku yimaada doorashada madaxtinimo ee Maamulka Somaliland ay tahay mid wiiqeyso horumarada laga sameeyay ammaanka iyo dimoqraadiyadda.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanayaa maalin kadib markii lix dowladood oo ay ka mid yihiin dalalka Turkiga, Ingariiska iyo Mareykanka ay yeesheen shir looga hadlayay xaaladda Gobolka Sool.

Mas’uuliyiinta lixdan dowladdood ayaa walaac ka muujiyay barakaca ka socdo Magaalada Laascaanood, tan iyo markii uu halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement