Xeryahan oo furnaa in ka badan 30 sannadood, ayaa qaxootigii lagu furay waxay niyadda ku hayeen inay wakhti kooban ku sugnaanayaan xeryahaas, isla markaana ay dib ugu laaban doonaan dalkoodii hooyo, hase ahaatee 30 sano ka dib, weli waxaa jira xaaladihii ku kellifay inay qaxooti ahaadaan. Dhinaca kale waxaa jira qaxooti cusub oo haatan ay bilaw u tahay xaaladda qaxootinimadu, kuwaas oo aan garanayn, inta ay ku qaadan doonto marxaladdan cusub ee ay galeen.
0 Comments