Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ku amray inay magaalada Budapest ee dalka Hungary ka furto safaarad ay Kenya halkaasi ku yeelanaysa.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha xarunta madaxtooyada ee State House ee Nairobi ku casuumay guddoomiyaha baarlamaanka Hangary Dr. László Kövér.
Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in geeddisocodkan uu si degdeg ah u billowdo oo safaaradda lagu hirgeliyo wax ka yar labo sano gudaheeda.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka dowladda Hangary uga mahadceliyey taageero dhan 6.2 bilyan oo shilin oo ay siisay Kenya.
0 Comments