Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Al-shabaab oo weeraray saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin duleedka kismaayo

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaay Cabdalle, ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halka saaka salaaddii subax kadib laga maqlay qarax weeyn kaasi oo ay xigtay rasaas culus sida ay sheegeen dadka deegaanku.

War ka soo baxay Al-shabaab oo lagu daabacay baraha Internedka ee iyaga taageera ayaa lagu sheegay in xero halkaa ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay ku qaadeen weerar loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Al-shabaab waxay intaa ku dareen in ay cagta mariyeen saldhigga ay weerarka u qaadeen hase-yeshee ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa sheegashada Shabaab, waxasae wararku sheegayaan in halkaa uu wali dagaal ka socdo

Isku dayo aan kula xiriirnay madaxda ciidamada ee Jubland ayaaney noo suurta galin in aan helno faah-faahin ku saaabsan sida halka aay wax uga dhaceen. Sidoo kale lama oga ilaa iyo hadda kahsaaraha dhabta ah ee dagaalkaas ka dhashay maadaama xogtu ay aad u koobantahay.

Deegaanka Janaay Cabdalle oo ah deegaan muhiim ah ayaa isku xira magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Ciidamo kala duwan oo isugu jira milatariga Soomaaliya kuwa daraawiishta Jubaland, iyo ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa la sheegayaa in ay halkaa ku leeyihiin saldhig weyn.

Bishii Jannaayo ee sanadkaan ayaa ciidamadu halkaa kala wareegeen Al-shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli qaybo ka mid ah dalka ay ka socdaan howgallo ka dhan ah Al shabaab oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaannada qaar.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Shabaab ay weerar ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda, oo marar kala duwan ayay weeraro iyo qaraxyo ka gaysteen saldhigyo ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Wixii faahfaahin ah oo ku soo kordha warkan halkaan kala soco

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement