Weerar kadib waxaa xigay dagaal toos oo dhexmaray Ciidamada dowladda ee Saldhiga ku sugan iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Dhinaca kale weerar ku billaawday qaraxyo ayaa isla saaka Al-Shabaab waxaa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay dagaal socday in ka badan laba saacadood oo halkaasi ka dhacay.
Lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli degmada Afmadow ay abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen Wasiirka Amniga Jubbaland Janeraal Dhuumaal iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Sareeye Gaas Saxardiid.
0 Comments