Arsenal ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay daafaca dhexe ee France William Saliba, oo 21 jir ah. (Football Insider)
Al Nassr ayaa xiriir la samaysay wakiilada Paris St-Germain iyo daaficii hore ee Spain Sergio Ramos iyaga oo ka dalbaday in ay u dhaqaaqaan ka hor xilli ciyaareedka dambe. (Marca – in Spanish)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan Nicolo Barella ayaa ku jira liiska bartilmaameedyada Liverpool ee xagaaga, iyadoo 26 sanno jirkaan heerka caalami ee dalka Talyaaniga ay daawadeen kormeerayaasha kooxda Anfield. (Gazzetta dello Sport – in italian)
Liverpool ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich iyo xulka Netherlands Ryan Gravenberch, oo 20 jir ah, si uu uga garab ciyaaro England iyo Borussia Dortmund Jude Bellingham, 19. ( Express)
Milkiilaha Chelsea Todd Boehly ayaa ka fiirsanaya inuu iibsado kooxda ka ciyaarta Ligue 1 Strasbourg . (L’Equipe)
Liverpool , Newcastle , Tottenham iyo West Ham ayaa ka mid ah kooxaha Premier League ee isha ku haya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mainz iyo Germany Anton Stach, 24. (90min)
Weeraryahanka reer France Marcus Thuram, kaasoo qandaraaskiisa Borussia Monchengladbach dhici doono xagaaga, ayaa loo soo bandhigay Barcelona, halka Atletico Madrid, Chelsea, Inter Milan, Manchester United iyo PSG sidoo kale lala xiriirinayo 25 jirkaan. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Bartilmaameedka Newcastle Matheus Franca ayaa heshiis cusub u saxiixay Flamengo , kaasoo diiday dalabkii Magpies ee ahaa 17.5 milyan ginni 18 jirka khadka dhexe ee Brazil bishii Janaayo. ( Sun)
Fulham , Everton , Leicester iyo West Ham ayaa xiiseynaya daafaca Roma iyo England Chris Smalling, 33. (90min)
Newcastle United ayaa qorsheyneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo 25 jirka daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Wolves ee Max Kilman. (Football Insider)
LA Galaxy ayaa u dhaqaaqday ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Andrey Santos, oo 18 jir ah, ka dib markii uu burburay amaah uu ku joogay Palmeiras . (Gaol)
Brazil ayaa keeni karta tababarihii hore ee Spain iyo Barcelona Luis Enrique si uu u bedelo Tite halkii uu ka bedeli lahaa tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti. (Fijaches – in Spanish)
Daafaca bidix ee Portugal Nuno Tavares, oo 23 jir ah, ayaa sheegay inuu ku laaban doono Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado amaahda uu ku joogo Marseille . (Goal)





0 Comments