Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

WAR RASMI AH: Shaxda Kooxdii Sannadka Ee FIFA Oo Lagu Dhawaaqay

FIFA ayaa shaacisay shaxda kooxdii ugu fiicnayd sannadka oo ay ku urursan yihiin xiddigo waaweyn oo wacdaro kasoo dhigay garoomada 12kii bilood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee waxa aan lagu soo darin goolhayihii ku guuleystay abaal-marinta goolhayaha sannadka ee FIFA.Afar ciyaartoy oo kusoo galay magaca Real Madrid kaddib wacdarihii ay ka dhigeen garoomada xilli ciyaareedkii tegay oo ay ku guuleysteen Champions League iyo LaLiga ayey soo raaceen Lionel Messi oo dalkiisa Argentina u qaaday Koobkii Adduunka, Kylian Mbappe oo finalkii dalkiisu yimid, Achraf Hakimi oo dalkiisa Morocco uu semi-finalka ku hadhay iyo Luka Modric oo hoggaaminayay xulka Croatia ee kaalinta saddexaad ku dhamaystay.Karim Benzema, Thibaut Courtois, Casemiro iyo Luka Modric oo Real Madrid guulo badan lasoo gaadhay ayay shaxda ku wehelinayaan Kylian Mbappe, Lionel Messi, Kevin de Bruyne, Joao Cancelo, Achraf Hakimi iyo Erling Haaland oo isagu kusoo galay goolashii uu u dhaliyey kooxdiisii hore ee Borussia  Dortmund iyo qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada.

Ceebta ku jirta shaxda ayaa waxay tahay, in goolhaye Emiliano Martinez oo ku guuleystay abaal-marinta goolhayihii ugu fiicnaa sannadka, in uu ka maqan yahay liiska  kooxda sannadka

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement