Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Waa kuma Macallimu, ninka mar Kenya u hanjabay ee loo magacaabay guddoomiyaha Gedo?

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shalay sheegay in Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) uu yahay mas'uulka maamulkaas wakiilka uga ah gobolka Gedo.

Macalimuu oo mar ahaa guddoomiyaha Gedo oo ay soo magacowday dowladda Federaalka ayaa horay maamulka Kismaayo kula dagaallamay gobolka, haatanna wuxuu ku sugan yahay magaalada Garbahaarrey.

Sidoo kale, waxaa gobolka ku sugan wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo diiddan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Axmed Buulle Gareed oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo ee ay magacowday dowladdii Farmaajo oo BBC -da u warramay ayaa sheegay inuu la yaabay go'aankaas kuna tilmaamay maamulka mid sharci darro ah oo aanu aqoonsanayn.Ma aha markii ugu horreysay ee is qabqabsi iyo dood ay ka dhalato arrinta Macallimu, oo magac weyn ku dhex leh gobolka.

Waxaa xilka guddoomiyaha gobolka laga qaaday bishii January ee sanadkii 2021.

Waa kuma Macallimuu?

Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu)

XIGASHADA SAWIRKA,CISMAAN NUUX XAAJI (MACALLIMUU)

Magaciisu waxa uu kusoo shaac baxay arrimaha gobolka Gedo oo saldhig u ahaa qeyb ka mid ah khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jiray sannadihii lasoo dhaafay, kaasoo marar kala duwan la isku mari waayay, gaar ahaan intii ay socotay qabanqaabada doorashada Soomaaliya.

Dhinacyo kala duwan ayuu ka istaagay mowqifka siyaasadeed ee gobolka.

Waxaa la sheegaa in markii ugu horreysay uu ahaa dhanka dowlad goboleedka Jubbaland hase ahaatee markii dambe waxa uu ka soo jeedsadayay dhinaca dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waayadii dmabena Mucallimuu waxa uu mar kale siyaasaddiisa ku sameeyay isbaddal, isagoo dib ula midoobay saaxiibbadiisii hore ee Jubbaland.

Macallimuu ayaa ahaa ninka ugu magaca dheer maamulkii Gedo ka jiray sanadkii 2020, xilligaas oo ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay dhowr jeer ku dagaallameen magaalada istaraatiijiga ah ee Beled Xaawo.

Ninkan oo la sheegay in horay uu uga tirsanaa ciidanka dowladda ayaa ka soo muuqan jiray furimaha dagaalka, waxaana uu mar u hanjabay Kenya.

"Kenya deris baan nahay ee derisnimada ha ilaaliso. Haddii ay ilaalin weydo, waxaan amrayaa ciidankeenna inay Nairobi ka casheeyaan," ayuu yiri Macallimu horraantii bishii Febraayo ee sanadkii 2020.

Gedo waxaa markaas dowladda kula dagaallamayay ciidamo ka tirsan Jubaland lagu soo warramay in uu hogaaminayay Cabdirashiid Janan oo xilligaas ahaa wasiirka amniga ee Jubbaland.

Macallimu iyo hay'adda NISA

Dhismaha NISA

XIGASHADA SAWIRKA,NISA

Macallimuu ayaa dhowr jeer oo hore, xilligii dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laga celiyay magaalada Muqdisho.

Bishii June ee sanadkii 2021 ayay ahayd markii laga celiyay garoonka magaalada Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo.

Xilliyadaas waxaa aad u taagnaa khilaafka doorashada gobolka Gedo.

Ra'iisul Wasaarihii xilligaas, Maxamed Xuseen Rooble oo arrintaas ka hadlay ayaa soo saaray amar ahaa in qof muwaadin Soomaali ah aanan laga celin karin in uu ka dhoofo garoomada dalka.

Mar uu Macallimu waraysi siiyay BBC ayaa wuxuu sheegay in isaga iyo dad uu ku sheegay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo ay caasimadda Muqdisho ugu xayiran yihiin madaxii shaqaalaha ee hay'adda NISA, Cabdullaahi Kulane.

"Arrinta nalagu haysto ayaa ah in nalaga hor joogsado doorashada dalka ka dhacaysa, taas oo ka dambeeyo taliye kuxigeenka NISA, Cabdullahi Kulane, mana aha wax aan yeelayno," ayuu xilligaas Macallimu u sheegay BBC.

Isla maalintii garoonka Muqdisho laga celiyay Macallimu, raysal wasaarihii xilligaas, Roobke, ayaa shaaciyay in uu xilka ka qaaday Cabdullahi Kulane, iyo madaxii sirdoonka ee garoonka Aadan Cadde, Cabdiwahaab Sheekh Cali. Tallaabadan ayuu ra'iisal wasaaraha uga jawaabay cabashadii Macallimu.

Xil ka qaadistiisii

Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu)

XIGASHADA SAWIRKA,CISMAAN NUUX XAAJI (MACALLIMUU)

Bishii December 2020 ayaa waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhexeeyay mas'uuliyiintii maamulka Gedo ee taabacsanaa dowladda Federaalka.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo markaas ahaa wasiir kuxigeenkii arrimaha gudaha Jubaland balse u wareegay dhanka dowladda Federaalka ayaa soo saaray warqad uu shaqo joojin ku sameynayo gudoomiye Cismaan Nuur Xaaji Macallimu.

Warqadda shaqo joojinta ayaa lagu sheegay in Macallimu uu ku takri-falay awooddiisa, isla markaana uu sameeyay uu si sharci darro ah xilal u magacaabay. Muddo kadib ayaa waxaa soo baxday warqad kale oo lagu sheegay in lagu xalliyay arrinta Macallimu.

Bartamihii January 2021, Macallimu ayaa xilka ku wareejiyay Axmed Buulle Gareed oo tan iyo xilligaas ahaa guddoomiyaha Gedo.Macallimu ayaa wixii markaa ka dambeeyay u wareegay magaalada Muqdisho.

Sanadkii la soo dhaafay oo khilaaf badan uu hareeyay doorashada kuraasta gobolka Gedo, ayaa Axmed Buulle wuxuu qeyb ka ahaa dhinacyadii ku muransanaa kuraasta deegaan doorashada Gedo, isagoo markaasna ahaa dhanka dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Doorashada ayaa la isku heystay inay ka dhacdo Ceelwaaq amaba Garbahaarrey. Iyadoo makrii dambe labada degmo ay garabyada kala taageersanaa Farmaajo iyo raysal wasaarihii xilligaas ee Maxamed Xuseen Rooble ku qabsadeen doorasho lagu soo doortay xildhibaanno. Inkastoo markii dambe xildhibaannada sida rasmiga ah loo dhaariyay ay noqdeen kuwii lagu soo dhaariyay degmada Ceelwaaq.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement