T
aageerayaasha kubada cagta ayay la yaab ku noqotay ka dib markii ay ogaadeen xiddiga ugu goolasha badan Liverpool horyaalka Premier League tan iyo Koobkii Adduunka.Qaab ciyaareedka xun ee ay ku jiraan sannadkan 2023 ayaa weli sii socda iyadoo shalay oo Sabti ah ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Wolves.Kooxda Jurgen Klopp ayaa kaliya hal dhibic ka heshay afartii kulan ee ugu danbeysay horyaalka, waxayna 11 dhibcood u jiraan booska kaalinta afaraad.Waxay sidoo kale marayaan shan saacadood oo aysan gool dhalinin tan iyo markii uu Alex Oxlade-Chamberlain shabaqa ks oo taabtay Brentford 2dii Janaayo.Wadar ahaan Liverpool waxay shabaqa soo taabatay lix jeer lix kulan oo ay ciyaareen horyaalka tan iyo markii laga soo laabtay Koobka Adduunka.Sida Oxlade-Chamberlain, waxaa iyagana min hal gool dhaliyay Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Stefan Bajcetic.
Waxay taasi la micno tahay in xididga Reds goolasha ugu badan u dhaliyay tan iyo Koobkii Adduunka inuu yahay daafaca Leicester City Wout Faes oo labo gool iska dhaliyay kulankii Anfield ee dhamaadka bishii December.
Xogtaan ayaana hoosta ka xariiqeysa dhibaatada Liverpool ka heysata dhanka weerarka, taageerayaasha ayaana aamini waayay in daafac koox kale u dheela uu ugu goolal badan yahay kooxdooda tan iyo Koobkii Adduunka.
Liverpool xaalka uma sahlana weli seddexda kulan ee soo socda waxay la ciyaarayaan Everton, Newcastle iyo Real Madrid halka bisha soo socota horaanteeda ay wajahayaan Manchester United.
0 Comments