Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Somaliland oo ka hadashay duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood

LAASCAANOOD (ayaanle 24) – Taliska Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa si kooban uga warbixiyay sababta ka dambeysa in duqeymo ay la dhacaan Magaalada Laascaanood, halkaasi oo muddo labo todobaad uu ka socdo dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran.

 

Janaraal Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka maamulka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay duqeymaha ka socda Magaalada Laascaanood ay yihiin kuwa looga gool-leeyahay sugidda ammaanka dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo degaannada Maamulka Somaliland.

Taliye Taani ayaa cod dhee ku sheegay in dagaal ay kula jiraan Ciidanka Maamulka Puntland iyo Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Taliyaha wuxuu ku eedeeyay Ururka Al Shabaab in ay damacsan yihiin in saldhigyo ay ka sameystaan magaalada Laascaanood, halka Maamulka Puntlandna uu ku sheegay in ay dooneyso in ay dib u qabsato Gobolka Sool oo markii hore uu ka fara-maroojiyay Maamulka Somaliland

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement