Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa Saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in bartilmaamedkoodu uu ahaa Goobo lagu sheegay inay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab.Saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ma shaacin waxyaabaha lagu soo qabtay howlalka, balse ay sheegeen in ujeedkoda uu ahaa inay ka hortagaan weeraro ay qorsheeynayeen Ururka Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS intii uu howlgalka socday ay sameeynayeen howlgallo miino baaris ah, waxaana goobaha howlgalka laga sameeynayay mararka qaar laga maqlayay rasaas goos goos ah.
Dhawaan ayay aheyd markii weerar ku billaawday qaraxyo ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
0 Comments