Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Kooxda kubadda cagta Arsenal oo sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay shan dhibcood ku qabatay,

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay shan dhibcood ku qabatay, kaddib markii ay hoygeeda kusoo garaacday Leicester City oo ay ku booqatay King Power Stadium.Laba gool oo laga diiday kaddib, Gabriel Martinelli ayaa noqday xiddiga guusha u go’aamiyey ee u dhaliyey goolka madiga ah oo kubbad uu ka hoos bixiyey goolhaye Ward ay si fudud u gashay goolka.Arsenal oo si xooggan ku bilaabatay ciyaarta ayaa tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey samaysay laba isku-day iyadoo xiddiga lagu sharfay kabtannimada ee Zinchenko laga joojiyey karoos halis badnaa waxyar kaddib markii uu Bukayo Saka kubbad dallacan birta dul-mariyey.

Nasiib-darro ayaa ku dhacday Arsenal daqiiqaddii 26aad oo uu gool-qurux badan u dhaliyey Leandro Trossard oo darbad uu ka toogtay laynka bannanka ee garoonka ku hubsaday shabaqa. Laakiin dabbaal-degga markii ay Arsenal dhamaystay ayaa lagala soo hadlay VAR oo looga yeedhay garosoraha.

Michael Salisbury oo fadhiyey VAR ayaa u sheegay garsoore Craig Pawson in gacanta Ben White ay caloosha kaga dhacday goolhaye Ward, waxaana markii ay isla eegeen ay meesha ka saareen goolka.

Mikel Arteta ayaa diiday go’aanka garsooraha oo la arkayay isaga oo gacmaha saydhinaya, isla markaana saluugsan sababta goolka laagu diiday.

Xiddiga Nigeria ee Iheanacho ayaa Leicester City u dhaliyey gool aan loo qorin oo markii uu kubadda dhaafiyey goolhaye Ramsdale uu arkay iyadoo calanku ka taagan yahay dhinaca oo loo sheegayo inuu offside ku jiro, taas oo aanay kooxdiisu muran ka keeni.

Qaybta hore oo kusoo dhamatay laba gool oo la diiday iyo in shabaqyadu ay nadiif yihiin, ayaa wxay Arsenal muujinaysay inay tahay kooxda xooggan, waxaana fursadihii ya heleen ka lumiyey Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Martin Odegaard, halka goolka laga diidayna uu u saxeexay Trossard.

Xiddiga Brazil ee Gabriel Martinelli ayaa gool degdeg ah kaga nixiyey Leicester City daqiiqaddii labaad ee bilowga qaybta dambe, isaga oo kubbad uu Trossard kasoo dhax-saaray lugaha Souttar ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Ward.

Mar kale ayay Arsenal dhalisay gool qurux badnaa oo uu u dhaliyey Bukayo Bukayo Saka, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa diidday goolkas sababtoo ah Martinelli oo kubadda soo dhiibay ayaa kusii jiray offside faro-ciddidood ah.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement