Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Khilaafka Wasiirka Gaadiid iyo Hay’adda duulista rayidka oo xoogeystay & Duulimaadyadii Garoonka oo istaagay

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhashay magacaabis ay sameeysay Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi.

20-kii Bishaan ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay u magacaawday Sakariye Faarax Axmed in uu noqdo Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda & Adeega Guud ee Hay’adda duulista Rayidka, balse waxaa magacaabistaas kasoo horjeestay Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska kusimaha Guddoomiyaha Hay’adda Duulista Rayidka Muxudiin Xaaji Cali Nuur lana ogeeysiiyay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Wasiirka Gaadiidka, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonada Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa lagu dalbaday in la joojiyo burburinta lagu haayo jiritaanka Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Madax bannaanideeda, isla markaana lagu bedelayo shuruucda iyo qaab dhismeedkeeda.

“Guddiga maamulka Haya’dda Duulista Rayidka Soomaaliyeed  waxay ku farayaan in la joojiyo dhamaan isku dayada lagu burburinayo jirtaanka Hay’adda iyo madax banaanideeda, isla markaasna lagu bedalyo Shurucdeeda iyo qaab dhismeedkeeda, ayadoo laga leeyahay dano gaar ah, taasoo aannu ognahay in ay si xawli ah uga socoto Wasaaradda Gaadiidka oo aan meel ka soo galin Maamulka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ah mid madax bannaan sida sharciga Hay’adda  qabo iyo xafiiskaaga oo ay gacan ka helayaan, Waxaanu la soconaa in maalmahaan ay maareeye ka noqotay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Wasiirka Wasaaradda Gaadiidku, awood xileedkaagiina aad Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ku wareejisay adigoo kala caraaraya Guddiga Maamulka hay’adda,diidayana jihaynta guddiga iyo la xisaabtankiisa ayaa lagu yiri” Warka Hay’adda.

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya iyo Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sababay in uu is casilo Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), isaga oo sheegay in sababta uu isu casilay  ay tahay ka dib markii ay soo  gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqsado shaqci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan.Xogaha kale ee la helay ayaa sheegaya in inta badan duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ay istaageen sababo la xiriira shidaal la’aan ku dhacday Shirkadaha diyaaradaha kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsadda kalalaabatay shirkadii shidaalka keeni jirtay Garoonka Aadan-Cadde.

Halkan ka Akhriso Magacaabista khilaafka keenay Magacaabis Agaasimaha Maamulka ,maaliyadda iyo adeegga guud ee HDRS(1) (1)

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement