David Alaba ayay macquul tahay inuu daafaca bidix kusoo bilawdo ciyaartan isagoo Camavinga meesha ka saaraya maadaama Nacho daafaca dhexe kusoo laabanayo oo Dani Carvajal kusoo bilaabanayo daafaca midig.Andriy Lunin ayaa markale goolka ka bedelaya Courtois, Kroos, Modric iyo Tchouameni ayaa lagu wadaa inay khadka dhexe dheelaan halka Valverde weerarka kala qayb qaadanayo Rodrygo iyo Vinicius.
Al Hilal waxa ganaax uga soo laabanaya Mohamed Kanno balse wuxuu shaki ku jiraa taam ahaanshaha garabka weerar ee Andre Carrillo.
Shaxaha Macquulka Ah
Real Madrid (4-3-3): Lunin; Carvajal, Nacho, Rudiger, Alaba; Kroos, Tchouameni, Modric; Valverde, Rodrygo, Vinicius Jr.
Al Hilal (4-2-3-1): Al-Mayouf; Abdulhamid, Jang, Albulayhi, K.Al-Dawsari; Kanno, Cuellar; Marega, Vietto, Aldawsari; Ighalo
Xogta Kulanka
Tartanka: Club World Cup
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Anthony Taylor (England)
Garoonka: Prince Moulley Abdellah Stadium
0 Comments