Bournemouth waxa ka maqnaan doona xiddigaha kala ah Lloyd Kelly, Jordan Zemura, Junior Stanislas, Illia Zabarnyi, Lewis Cook iyo David Brooks.Dhinaca Man City Pep Guardiola ayaa sheegay inuusan wali hubin taam ahaanshaha kulankan ee Kevin De Bruyne oo xanuunsanaya balse ay seegayaan daafacyada Stones iyo Laporte.
Guardiola ayay macquul tahay inuu markale shax ciyaareedka saddexda daafac kusoo laabto iyadoo Phil Foden garabka midig boos ka heli karo haddii nasiimo loo diro Riyad Mahrez.Bernardo Silva ayaa markale doorka dambeeda khadka dhexe la dheeli kara Rodri xilli Jack Grealish oo wakhti fiican ku jiraa garabka bidix soo fuulayo.
Shaxaha Macquulka Ah
Bournemouth: Neto; Smith, Stephens, Senesi, Zemura; Billing, Lerma; Ouattara, Traore; Tavernier; Solanke
Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte; Rodri, Bernardo; Foden, De Bruyne, Gundogan, Grealish; Haaland
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 8:30 habeenimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Vitality Stadium
Garsoore: Paul Tierney





0 Comments