Somaliland ayaa xalay saddex jiho oo Magaalada Laas-Caanood ah keentay Ciidamo aad u farabadan, sida Buuntada Booda oo la geeyay Ciidaamdii ka soo baxay dhinaca tukaraq, Buuraha Goojacadde iyo Tuulada Samakaab 00 6km u jirta Magaalada Laas-Caanood.Goobjoogayaal ku sugan Aaga lagu dagaalamayo ayaa sheegay inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, isla markaana mararka qaar ay hoobiyeyaal kusoo dhacayaan xaafado katirsan Magaalada Laas-Caanood.
Waxaa jira khasaro kala duwan oo dagaalka ka dhashay wallow aan weli sirasmi ah loo helin, iyada oo dhinacyada dagaalamaya ay helaan gurmadyo kala duwan, taas oo keentay in dagaalka uu sii xoogeysto.
Wararka kusoo kordha kala socda www.ayaanle24.blogspot.com





0 Comments