LAASCAANOOD (ayaanle media) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda ay ka dhaceen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.
Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ayaa ah kii ugu adkaa ee muddo soo mara magaaladaas oo uu maalintii 9-aad ka socdo dagaal culus.
Tiro hoobiyeyaal ah ayaa lagu soo warramayaa inay xalay ku dhaceen gudaha magaalada, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan.
Xaaladda ayaa saaka ah mid aad u kacsan, waxaana weli is horfadhiya labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi, ayada oo laga cabsi in markale uu dib u qarxo dagaalka.Si kastaba, waxaa meesha ka baxday xabad joojintii la filayey inay ka hirgasho magaalada Laascaanood, waxaana weli halkiisa ka sii socda dagaalka magaaladaasi.
0 Comments