Dagaalka ayaa markii hore ka bilaawday halka loo yaqaano bacadka Faarax Aadan oo dhaca duleedka degmada Xarar dheere Ee Koonfurta Gobolka Mudug , waxaana uu ku sii fiday dagaalka degaano kale sida jiri jiri iyo diirane kuwaasi oo Ciidamadda la wareegeen.Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in intii uu socday dagaalka ay maqlayeen Hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen Ciidanka Xoogga iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.
Kabtan Kadiido oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo hoggaaminayey hawgalka , ayaa sheegay in hawlgalkii ay qaadeen ay kula wareegeen degaano dhawr ah , hawlgalkana uu weli socdo illaa ay Al-Shabaab ka qabsadaan degaanada ay ka joogaan Maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Gen Ceyroow oo qudhiisa ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee dagaalka qeyb ka ahaa ayaa Xusay in dagaalka ay kula wareegeen Hub fara badan , Waxaana uu digniin u diray Dadka Macaamila Al-Shabaab.
Dagaalkan u dhaxeeyey Ciidanka Xoogga iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu imaanayaa Xilli ay Ciidanka Xoogga iyo kuwa degaanka hawlgallo ay kula wareegeen degaano dhaca Gobolka Mudug kuwaasi oo muddo tobanaan sano badan Xukumayeen Al-Shabaab.
0 Comments