Askarta ayaa ilaa laba xabadood ku dhuftay Wiilka dhalinyarada ah kana mid ahaa Ciyaalka darbi jiifka.Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontoroolka laga galo Madaxtooyada ee Ceelgaabta ayaa u diiday Gaadiidka ay wataan Ciidamada ATMIS ee Wiilka Dhalinyarada ah dilay inay ka gudbaan, iyada oo hadda uu bannaanbax socdo.
Waxaa dadweyne ka careysan dilka ay Ciidamada ATMIS u geysteen Wiilka Dhalinyarada ah ay xirteen wadada Isgoyska Ceelgaabta, iyaga oo dhigaya bannaabax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.
0 Comments