Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Akhriso:- Khasaaraha dhimasho & midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday Guriga kuyaalla Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dileen toban qof oo rayid ah.

Weerarka oo ka dhacay guri ku yaalla  degmada Cabdicasiis shalay gelinkii dambe soona gaaray xalay fiidkii ayaa dowladdu ay sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen.

“Ciidanka ammaanku waxay gurigaas iyo dhismeyaal kale oo ka agdhawaa kaasoo badbaadiyeen dad badan oo rayid ah intii uu socday weerarkan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Askari magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay “soo galeen dhismaha kadib markii ay ku qarxiyeen albaabka weyn walxaha qarxa”.

Bilihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dhul ballar dib uga qabsaday maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay taageereyeen duqeymaha Mareykanka iyo ciidmada Midowga Africa ee ATMIS.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement