Ciidamada Dawlada Fedederaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ee Macaswileey ayaa ku jira diyaar garow ku aadan bilaabida Wejiga labaad Hawlgallada looga soo horjeedo Alshabaab oo ay doonayaan ciidamada in ay ka sameeyeen degaanada ku yaala galbeed gobolka shabeelaha Dhexe
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Militariga dawlada Federaalka oo ku sugan gobolka shabeelada Dhexe ayaa Warbaahinta Risaala u xaqiijiyay in ay socdaan dhaq dhaqaaqyo la xiriira sidii Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab uga bilaabi lahaayeen degaanada Galbeedka Hirshabeelle oo maamulaan Alshabaab .
Dhaqdhaaqyadaan Ciidan ee ka jira galbeedka gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan ku dhawaaqay wejiga labaad Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo ka laga bilaabayo degaano ka Tirsan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
0 Comments