Maxkamad Federal oo ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa bishii February 24-dii la soo taagay 2 Nin oo Somali ah oo lagu eedeynayo inay Taageereen Koox Burcad-baddeed Soomaali ah oo qafaalatay Weriye Ajnabi ah.
Labada Nin ee la soo taagay Maxkamadda New York waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Tahlil Mohamed iyo Abdi Yusuf Hassan, kuwaasi oo Xeer-beegti Federal ah ku soo oogeen qafaalaaho, Fududayb Qalab loo adeegsaday Argagixiso iyo Dembiyo kale oo lagu muteysan karo Xabsi Daa’im.
Saxafiga la qafaashay oo asal ahaan u dhashay dalka Jarmalka, waxa uu haysta dhalashada Maraykanka (a German-American Journalist).
Weriye Michael Scott Moore, oo u shaqayn jirey Wargeyska Spiegel Online waxaa bishii January ee sanadkii 2012-kii laga qafaashay magaalladda Gaalkacayo oo 643.7 KM (400 miles) dhanka W/bari kaga toosan Caasimadda Muqdisho.
0 Comments