Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

SAWIRO: Ciidamo horleh oo katirsan ATMIS oo soo gaaray Muqdisho

Uganda ayaa ciidamo cusub oo booliis ah u keentay Soomaaliya si ay uga hoos shaqeeyaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

144 sarkaal ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana qaabilay saraakiil sare oo ka tirsan booliska ATMIS. Waxay ku biireen koox horudhac ah oo ka kooban 16 sarkaal oo kale oo horay u yimid Soomaaliya.

160-askari oo ka hoos shaqeyn doona qeybta Booliska ATMIS qeybta Booliska ayaa ka garab shaqeyn doona cutubyo kale iyo saraakiil boolis gaar ah si ay taageero shaqo iyo tayayn u siiyaan dhigooda Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa noqonaya kuwii kow iyo tobnaad ee ay booliiska Uganda u soo daadgureeyaan Soomaaliya si ay u taageeraan howlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika. Waxa ay bedelayaan cutubkii tobnaad oo dhawaan soo gabagabeeyay socdaalkoodii shaqo ee Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidanka cusub ee Boooiska Uganda ahna Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska Julian Asaasira, ayaa sheegay in shaqaaluhu ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen in ay garab istaagaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee dhigooda ah iyo fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Si fiican ayaanu u tababarnay. Waxaan soo marnay tababarka adag ka hor inta aan lanoo dirin koorso lix bilood ah, kaas oo aan ka helnay xirfado nagu filan oo noo suurtageliya in aan si hufan u gudano waajibaadkeena,” ayuu yiri Asaasira.

Sida ku cad amarka booliiska ATMIS, FPU-yadu waxay bixiyaan taageero hawleed oo ay ku jiraan ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dawladda, bixinta waajibaadka gelbinta ee Saraakiisha Booliska Shakhsi ahaaneed, ilaalinta VIP-da wufuudda soo booqanaysa iyo samaynta roondo wadajir ah.

Booliska IPOs ayaa loo xilsaaray inay bixiyaan tababaro gaar ah, iyo la talin ay siiyaan ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Uganda waa mid ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ugu badan ee ku howlgalla Magaca ATMIS, waxaana wehliya Ciidamo ka socda  Booliska dalka Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, iyo Zambia.


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement