Guddiga soo xulaya xubnaha ka mid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka IEBC iyo guddoomiyahooda ayaa waxay guddoomiye u doorteen Nelson Makanda halka Charity Kisotu loo doortay xilka guddoomiye ku xigeenka.
Guddiga ayaa sheegay in ka dib markii ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay ee arrimaha loo igmaday ay uga tashanayeen ay hoggaankooda ku doorteen iyadoo labada xubnood aysan wax tartan ah galin.
Guddoomiyaha guddiga soo xulista saraakiisha IEBC ayaa sheegay in 7-da xubnood ee guddiga ay si hufan u gudan doonaan waajibaadkooda.
Waxaa uu Makanda dhanka kale kenyaanka u xaqiijyay inay dhawaan xayaysiin ku soo daabici doonaan wargeysyada maxalliga ah si loo soo bandhigo jagooyinka bannaan ee guddiga IEBC maadaama uu sharciga dalka sidaasi qabo.
Kenyaanka danaynaya jagooyinka bannaan ee guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka IEBC ayuu guddoomiye Makanda ugu baaqay inay codsiyadooda soo dirsadaan marka xayaysiinta la soo bandhigo.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa toddobaadkii hore wuxuu u magacaabay Makanda, Kisotu, Bethuel Sugut, Novince Euralia Atieno, Evans Misati James, Benson Ngugi Njeri iyo Fatuma Samaan inay hoggaamiyaan howsha shaqaaleysiinta saraakiisha guddiga cusub ee IEBC.
Marka la helo araajida shaqsiyaadka danaynaya jagooyinka, guddiga soo xulista ayaa kala shaandhayn doona waxayna mar kale wareysi ku marti qaadi doonaan xubnaha liiska ku soo baxa.
0 Comments