Maxkamadda sare ee dalka laanteeda Malindi ayaa burisay guushii xildhibaanka deegaanka Magarini ee ismaamulka Kilifi ,Harrison Garama Kombe oo ka tirsan xisbiga ODM.
Maxkamadda ayaa sheegtay in mudanaha uu doorashada ku soo baxay iyadoo ay dhaceen qaladaad culus oo la xiriira codeynta sida natiijooyin la beddelay.
Waxaa dacwadda maxkamadda geeyay musharraxii UDA Stanley Kenga.
Maxkamadda sare ayaa amartay in mar kale dadweynaha deegaanka Magarini ay u codeyaan xildhibaan ku matalaya baarlamaanka.
Mr. Kombe ayaa baarlamaanka dib ugu soo laabtay sanadkii hore ka dib shan sano oo uu dibadda ka joogay.
0 Comments