Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa inay wadada guulaha kusoo laabato kaddib guuldarro iyo barbardhac is xigay oo Champions League iyo horyaalka kasoo gaadhay Real Madrid iyo Crystal Palace.
Wararka Labada Kooxood
Liverpool waxa ka maqnaan doona Luis Diaz, Thiago Alcantara, iyo Calvin Ramsay balse waxa usoo kabtay daafaca dhexe ee Ibrahima Konate oo xataa shaxda asaasiga ah soo gali kara.
Sidoo kale Darwin Nunez oo seegay kulankii Crystal Palace ayaa diyaar u ah ciyaartan lana filayaa inuu Klopp soo qadimo isagoo weerarka kala ciyaari kara Jota iyo Salah.
Da’yarka Elliot ayaa fursad heli kara ciyaartan isagoo khadka dhexe kala bixi kara kabtan Jordan Henderson oo ay macquul tahay inuu ka garab ciyaaro Fabinho iyo Bajcetic.
Dhinaca kooxda martida ah waxay dhaawacyo ku waayaysaa xiddigaha kala ah Matheus Cunha, Chiquinho, Hwang Hee-Chan, iyo Sasa Kalajdzic.
Shaxaha Macquulka Ah
Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Bajcetic; Nunez, Jota, Salah
Wolves (4-2-3-1): Sa; Semedo, Dawson, Kilman, Ait-Nouri; Lemina, Neves; Traore, Sarabia, Neto; Jimenez
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Anfield
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Paul Tierney





0 Comments