Maxkamadda sare ee dalka laanteeda magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday hooyo macallimad ah oo lagu magacaabo Beatrice Mwende.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inay bishii Lixaad ee sanadkii 2020-kii ay dishay afar carruur oo ay dhashay.
Waxaa go’aanka maxkamadda soo saartay garsoore Grace Nzioka.
Xaakinka ayaa dhinac iskaga dhigtay doodda Mwende ee ahayd in xilligii ay falkan gaysanaysay laga qaalib noqday taasoo sababtay inay ka takhalusto saddex gabdhood iyo wiil.
Haweeneydan oo 44 sano jir ah ayaa horay u beenisay dacwadda lagu soo oogay balse markii dambe ayay qiratay ka dib la tashi ay la sameysay qareenkeeda.
Carruurta ay dishay ayaa lagu kala magacaabi jiray Melody Warigia (8 sano jir ahayd ), Willy Macharia (6), Samantha Njeri (4 sano ) iyo Whitney Nyambura (2 sano jir).
Mwende ayaa carruurtan ceejisay xilli ay ku sugnayd hooygeeda xaafadda Kabati Estate ee Naivasha.
Waxaa ay hadda haysataa 14 cishe oo ay racfaan uga qaadan karto go’aanka maxkamadda.
0 Comments