Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo booqday xarunta safaarada Soomaaliya ee dalka Masar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar, waxaana ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo madaxda sare ee Safaaradda.

 

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Guddoomiyaha warbixin guud ka siiyay shaqada ay heeyso Safaaradda, waxaana uu tilmaamay in shaqada Safaarada ay horumarin ku sameeyeen, waxaana uu sheegay in juhdi badan lagu bixin doono sidii guul looga gaari lahaa hadafka dowladnimo ee dalkeenna.

 

Guddoomiyahaaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gunnaanadka mas’uuliyiinta safaarada ku boggaadiyay doorkooda muhiimka ah ay ka qaateen u qareemida Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Masar iyo Jaamacada Carabta, isagoo ku dhiirageliyay in lasii laba jibaaro dadaalada horumarineed ee loogu adeegaayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 



Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement