Goolal ay kala dhaliyeen Choupo-moting iyo Serge Gnabry ayaa Bayern Munich u xaqiijiyay guusha, waxayna haatan ku biirayaan kooxaha u soo gudbay wareega sideed dhamaadka oo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Benfica.
Ciyaarta ayaa aheyd mid adag oo labada kooxoodba ay feejignaan iska qabeen iyadoo PSG ay baadigobeysay inay gool ku hormarto, laakiin fursad gool loo fishay oo ay heleen waxaa qeybtii hore xariiqda goosha ka soo bixiyay daafaca De Ligt.
Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, qeybtii labaad kooxda Bayern Munich ayaa mooday inay ciyaarta hogaanka u qabteen markii uu Choupo-Moting shabaqa soo taabtay, laakiin VAR ayaa diiday goolkaas madaama uu offside ahaa.
Bayern Munich ayaase hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 61aad markii Muller uu kubad ka dhacay Marco Veratti isagoo u sii dhigay Goretzka, kaasoo awoodi karay inuu shabaqa soo taabto balse si deeqsinimo ah kubada ugu dhigay Choupo-Moting oo markaan aan ka daahin inuu shabaqa taabto.
Goolkaas ayaa dharbaaxo weyn ku noqday PSG, waxayna isku dayayeen inay ciyaarta dib ugu soo laabtaan laakiin waxaa u babac dhigtay Bayern Munich oo u muuqatay koox si fiican isagu agaasimin iskuna xiran.
Bayern Munich ayaana heshay goolkii labaad ee ciyaarta oo ay ku dileen natiijada ciyaarta markii Joao Cancelo uu baas fiican u dhigay Serge Gnabry kaasoo fursado fiican u helay inuu kubada si raaxo leh u dabamariyo goolhaye Gigi Donnarumma.
Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Bayern Munich ku dubatay kooxda Paris Saint-Germain.
0 Comments