RUUN-NIRGOOD (ayaanle media) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan maanta laga dareemayo aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolkaasi oo horay loogala wareegay Al-Shabaab.
Abshir Axmed Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Sha/ Dhexe ayaa ka hadlay xaaladda degmadaasi, kadib wareysi uu siiyay ayaanle media
Sarkaalkan tirsan Xoogga dalka ayaa marka hore beeniyay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay isaga soo baxeen degmadaasi, isaga oo tilmaamay in weerarkaasi ay ay yihiin kuwa been abuur ah, ayna ku sugan yihiin fariisimihii ay ku lahaayeen halkaasi.
Gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga HirShabelle ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada xoreynta ee dalka, ayada oo deegaano iyo degmooyin muhiim ah looga qabsaday Al-Shabaabb, sida degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhig weyn.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka, waxayna howlgalladu ku sii fideen gobollo horleh, sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
0 Comments