Dhul-gariirkaasi oo dhacay 06:13 ee saakayto ee xilliga dalkaasi ayaa waxa uu Halbeegiisu ahaa 5.3 ee The Richter scale ( مقياس ريختر), lamana soo tebinin wax khasaaro ah oo ka dhashay.
Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Hawlaha Gurmadka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Turkiga waxay sheegtay in Ubucda Dhul-gariirkaasi ahaa Degmadda Golbaşı
Dhinaca kale, Tiro-koobkii u dambeeyey ee dadkii ku geeriyooday Dhul-gariirkii shalay ka dhacay dalkaasi waxay gaartay 2921 qof, halka ay 15,850 kalena ku dhaawacmeen.
Hawlgalka Gurmadka iyo Baadi-goobka ee ka socda dalkaasi waxaa ka qeyb qaadanaya dad tiradoodu dhan tahay 16,000 oo qof.
0 Comments