Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Casemiro oo Xalay dib usoo celiyey karaamadii Old Trafford.

Manchester United waxay u baahnayd dhiirranaan dheeraad ah  si ay uga takhalusto dardartii Reading oo qaybtii hore nolosha ku adkaysay, laakiin waxa uu Erik ten Hag sirta guusha ka helay kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro oo dib usoo celiyey karaamadii Old Trafford.

Marcus Rashford ayaa sameeyey toogashooyin fiican laakiin nasiib-darro ma anu dhlin, waxaase xilka ka furtay Casemiro oo daqiiqaddii 55aad jabiyey darbigii difaaca Reading kaddib markii uu si fudud u dhamaystiray kubbad uu ka helay Antony oo uu weydaariyey Joe Lumley.

Saddex daqiiqadood kaddib ayuu haddana masaafo 25 yard ah ka toogtay kubbad uu mar kale dhex dhigay shabaqa, sidaasna ku niyad-jabiyey kooxda martida ka hor intii aanu Fred xilli dambe gool saddexaad kusii dilin.

Manchester United oo siddeed ciyaarood sugayaan bisha February, ayna ku jiraan laba ciyaarood oo Barcelona ay ku kala bixi doonaan, ayaa waxay guushan uga mahad-celisay Casemiro oo muujiyey inuu yahay sirtii ka dhinnayd United ee ay sannadaha tabayeen.

Wax ka yar lix bilood oo uu Casemiro joogay Manchester United ayuu ku kasbaday in ay taageereyaashu u doortaan inuu yahay halyeygooda, waxaanu ku kasbaday bandhiggiisa wanaagsan isaga oo waqti horeba aamusiiyey kuwii shakiga ka muujinayay markii ay United la saxeextay ee ku doodayay in da’adiisu weyn tahay, sidoo kalena uu yahay ciyaartoy culus oo orodkiisu aanu badnayn.

Kaddib ciyaartii Reading ayay jamaahiirta Manchester United baraha bulshad ku amaaneen Casemiro oo ay ku tilmaameen halyeygooda dhabta ah ee soo celiyey haybaddii iyo karaamadii Old Trafford.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement